Xog ku saabsan ninka keligiis ka badbaaday tahriibayaashii doonta la saarnaa

tahriibe badbaaday

Dunida waxaa si weyn ugu faafay sawir laga qaaday nin musiibo ka badbaaday oo dul saaran doon gaddoontay oo tahriibeyaal la socdeen, kaasoo lagu arkay badda bartamaheeda meel ka baxsan xeebta gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

Laanta BBC-da ee luuqadda Spanishka, oo lagu magacaabo BBC Mundo, ayaa heshay xogta ninkan oo magaciisa uu yahay Juan Esteban Montoya, oo 22 sano jir ah. Waxa uu ninkan kasoo jeedaa waddanka Colombia.

Mr Montoya ayaa lasoo badbaadiyay maalintii Talaadada kaddib markii uu dhowr saacadood keligiis biyaha dul sabeynayay. Waxa uu sheegay in uu dalka Bahamas kasoo baxay aroornimadii hore ee maalintii Axadda, xilligaasoo ay la socdeen 39 qof oo kale.

Waxaa safarka isaga ku wehlineysay walaashiis ka yar, oo lagu magacaabo María Camila, taasoo ka mid noqotay dadka musiibada lagu waayay.

Ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Mareykanka ayaa helay meydadka shan ruux, iyagoo raadinta joojiyay kaddib markii ay wax kale waayeen. Waxay dadka laga yaabo inay badbaadeen ama meydad kale ka raadiyeen biyo ku fadhiya baaxadda uu la eg yahay gobolka New Jersey ee isla waddankaas. Laakiin gelinkii dmabe ee Khamiistii ayay soo afjareen howlgalkooda.

Askarta waxaa qeylo dhaan lasoo gaarsiiyay maalintii Talaadada, markaasoo markab ganacsi uu arkay nin dul saaran doon rogmatay oo sabeyneysay meel qiyaastii 45 meyl (72km) u jirta magaalada Fort Pierce ee gobolka Florida.

Doontaas waxaa lagu tuhunsan yahay inay ka shaqeyn jirtay “kala gudbinta sharci darrada ah ee dadka iyo tahriibinta” sida ay saraakiisha Mareykanka sheegeen.

Ma jirin hal ruux oo ka mid ah 40-ka qof ee doonta la socday oo xirnaa jaakadda badbaadada, sida uu ku warramay Mr Montoya oo ka soo safray degmada Guacarí oo ka tirsan gobolka Cauca Valley ee dalka Colombia.

Talaadadii waxaa loo gurmaday kabtanka markabka ganacsiga ee Signet Intruder, uu arkay isagoo ku sugan xaalad naf la caari ah.

Madaxa howlaha ee markabka ay leedahay shirkadda Signet, oo ku sugan Florida, ayaa weriyaha BBC Mundo, Atahualpa Amerise, ku yiri: “Markii ay saacaddu ku beegneyd abbaare 8:15 ayaa markabka soo saarnay, islamarkiina waa la daaweeyay, maadaama uu harraad la il darnaa, waxaana siinnay biyo iyo xoogaa raashin ah. Aad iyo aad buu u tabar darnaa.

“Waxa uu noo sheegay in dadka doonta la saarnaa ay tiradooda guud ahayd 40 ruux, oo isaga uu ku jiro, xilliga ay kasoo baxayeen Bimini waqti saq dhexe oo habeennimo ah oo Sabtida ay sii baxeysay Axadna soo galeysay. Waxay soo dhammeeyeen afar saacadood oo safar ah balse cimilada ayaa ku xumaatay oo sabab u noqotay in doontooda ay rogmato.”

Qiyaastii 20 ruux oo ka mid ah dadka ayay u suurtagashay inay qabsadaan qaybta hoose ee doonta markii ay gaddoontay, sida uu Mr Montoya u sheegay shaqaalaha markabka.

Kabtan Jo-Ann Burdian, oo shirkadda markabka leh u qaabilsan waaxda Miami ayaa warbaahinta u sheegay in dhacdadan ay qabsatay mid ka mid ah jidadka “caadiga ah” ee loo adeegsado dadka laga soo tahriibiyo Bahamas ee la geeyo koonfurta Mareykanka.

Cimilada xun ee jirtay Axaddii waxaa ka mid ahaa qabow aad u daran, hirar kacsan iyo dabeylo xoog leh.

Map showing Fort Pierce, The Bahamas, Haiti and Cuba

Jasiiradda Bimini waa degmada dhinaca galbeed ugu shisheysa ee waddanka Bahamas, waxa ayna 50 meyl oo keliya u jirtaa magaalada Miami ee dalka Mareykanka.

Dhacdooyinka noocan ah ee qabsada doomaha ay dadka sida xad dhaafka ah u soo raacaan ayaa dhif ku ah biyaha dhinaca koonfureed ee ka baxsan gobolka Florida.

Tahriibeyaasha intooda badan waxay kasoo safraan dalalka Cuba iyo Haiti, iyagoo isku daya inay qaabkaas ku galaan Mareykanka.

Talaadadii – oo ahayd isla maalinta ay musiibada dhacday ogaadeen mas’uuliyiinta – Ciidanka ilaalada xeebaha waxay qabteen 191 qof oo u dhashay Haiti, kuwaasoo ku sugnaa biyaha galbeedka Bahamas.

Dhacdo taas ka duwanna, dhowr maalmood ka hor isla aaggaas ayaa 88 qof oo reer Haiti ah lagu badbaadiyay iyagoo la socday doon ay soo buux dhaafiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here