Xog ku saabsan weerarka ay Al Shabaab cagta ku marisay xerada ATMIS ee Ceel-baraf

shabaab2

Ururka Al-Shabaab ayaa subaxnimadii hore ee saaka weerar culus ku qaaday fariisin uu Howlgalka Midowga Afrika ee Kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) ku leeyahay degmada Ceel-baraf ee gobolka Shabeellaha dhexe.

Al-Shabaab oo war-saxaafadeed ka soo saartay weerarkan ayaa sheegtay in is-rasaaseyn xooggan kaddib ay u suurtagashay in ay la wareegto gacan ku heynta guud ahaan saldhigga.

Warar tan iyo saakay ka soo baxayay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay inay cagta mariyeen xerada, ayna dileen in ka badan 170 askari, dhowr iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen weerarka. Waxay sidoo kale sheegatay inay askar nool ku qabatay dagaalka, balse ma jiraan ilo kale oo madax-bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab.

Sidee ayuu weerarku u dhacay?

Ciidamo hubeysan oo Al-Shabaab ka tirsan ayaa galay xerada ciidamada ATMIS, iyagoo dhowr gaari ku weeraray, waxaana ka dhashay dagaal labada dhinac dhex maray, sida uu wakaaladda wararka ee AFP u sheegay sarkaal ka tirsan militariga Soomaaliya.

Ciidamada Midowga Afrika ayaa weerarka kaddib diyaarad helikobtar ah oo hub sidday geeyay xerada oo hoy u ah ciidamo ka socda dalka Burundi.

“Waxaa dhacay dagaal xooggan iyo khasaare labada dhinac gaaray, balse faahfaahin dheeraad ah kama heyno ilaa iyo hadda,” ayuu sarkaalkaas u sheegay AFP.

“Waxay weerarka ku billaabeen qarax gaari kahor inta uusan billaaban dagaalka,” ayuu intaas raaciyay.

Dadka deegaanka qaarkood oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay inay arkeen meydadka saddex qof oo rayid ah iyo sagaal kale oo dhaawac ah. Xiriir aan la sameynay saraakiisha ciidamada Soomaaliya ayaa waxay ka gaabsadeen inay ka hadlaan weerarka.

Sidoo kale goobjooge la hadlay wakaaladda AFP ayaa yiri, “Ciidammada Al-Shabaab ayaa aroortii galay xerada, waxaa la maqlay qarax xooggan iyo rasaas la is weydaarsaday. Ciidamada Burundi ayaa banneeyay xerada waxayna galeen Ceel-baraf kahor inta aysan imaan helikobtarrada,” ayuu yiri.

“Helikobtarrada ayaa gantaallo iyo hub culus riday, waxaan aragnay qiiq ka soo baxaya xerada balse xaaladda si fiican ugama war qabno,” ayuu yiri.

Maxaan ka naqaannaa xerada Ceel-baraf?

Xeradu waxay ku taallaa degmada Ceel-baraf waxay qiyaastii 150 km waqooyi kaga beegan tahay magaalada Muqdisho, waxayna ku taallaa xadka gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Waxay saldhig u tahay ciidamada Burundi oo ka tiersna holwgalka nabad ilalainta Midowga Afrika ee ku meel gaarka ah ee Soomaaliya oo magacooda loo soo gaabiyo ATMIS.

ATMIS ayaa beddeshay AMISOM oo muddadoodu ay ku ekeyd dhammaadkii bishii March.

Howlgalka cusub ayaa ujeedadiisu tahay in ciidamada Soomaaliya uu ka caawiyo inay la wareegaan ammaanka dalka.

Sida uu dhigayo qaraarka Qaramada Miodobay, ATMIS ayaa la doonayaa inay yareyso ciidamadeeda oo ku dhowaad 20,000 oo askari ah wixii loo gaaro dhammaadka sanadka 2024.

Weerarka saakay ayaa imaanaya toddobaad kaddib markii baarlamaanka Soomaaliya uu doortay afhayeen cusub oo aqalka hoose iyo kan sare ah.

XIGASHO BBC SOMALI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here