Magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug waxaa maanta lagu qabtay doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya, gaar ahaan xubnaha baarlamaanka kasoo galaya dhinaca dowlad goboleedka Galmudug.
Kursiga doorashadiisa la qabtay ayaa waxaa kusoo baxay agaasimaha KMG ee hay’adda NISA Yaasiin Farey oo la tartamay musharrax kale oo isku soo taagay kursiga HOP#067.
Yaasiin Cabdullahi Maxamuud (Farey) ayaa helay 68 cod, halka musharixii la tartamayey ee Maxamed Cali Culusow uu isna helay 20 cod, sidoo kale waxaa hallaabay saddex cod, sida uu shaaciyey guddiga hirgelinta doorashada ee dowlad goboleedka Galmudug.
Kursigan waxaa sidoo kale horay ugu fadhiyey ganacsadaha caanka ah ee Cadow Cali Gees oo muddo ka tirsanaa xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa doorashada Yaasiin Farey ay kusoo aadeysaa, iyada oo maalmihii u dambeeyey ay qaylo dhaan kasoo yeereysay mushariixiin uu ka mid ah taliyihii hore ee NISA Cabdiraxmaan Tuuryare oo ku eedeeyey Villa Soomaaliya inay afduubtay kursigaas.
Doorashada ayaa sii soconeysa, waxaana galabta la qabanayaa kursiga xiga ee HOP043, kaas oo uu horay ugu fadhiyey xildhibaan Xuseen Iidow oo markale tartamaya.
Si kastaba, qaabka ay u socota doorashada ayaa waxaa walaac ka muujiyey musharixiinta mucaaradka oo shaaciyey in masuq-maasuq xoogan uu ka jiro hannaanka doorashooyinka.