150 qof ku dhimatay Doon ku degtay xeebaha Liibiya

doon degtay 3

Dad gaaraya 150 qof ayaa ku qaraqmay xeebaha dalka Liibiya, sida ay sheegtay hay’adda qaxootiga aduunka ee UNHCR.

UNHCR ayaa sidoo kale sheegtay in tiro kale oo dhan 150 ay soo badbaadiyeen Kaluumaysato reer Liibiya ah, islamarkana ay ciidamada ilaalaha xeebaha Liibiya ay ku soo celiyeen gudaha dalkaasi.

Ma cadda ilaa iyo iminka in muhaajiriintan ay hal doon ama labo doon ay saarnaayeen.

Muhaajiriintan ayaa ka tagay magaalada Al Khoms, oo 120 kiilo mitir dhanka bari kaga beegan caasimadda Tripoli.

Ku dhawaad 164 qof ayaa ku dhimatay afartii bilood ee sanadkan ugu horreysay wadada isku xirta Liibiya iyo Yurub ee ay muhaajiriinta adeegsadaan.

Qaramada Midoobay ayaa marar badan ku cel-celisay in dadka laga soo badbaadiyo badda Mediterranean-ka aan dib loogu celin Liibiya oo ay ka jiraan dagaalo iyo muhaajiriinta oo halkaasi kala kulma xaalada bina’aadanimada ka baxsan.

Ugu yaraan 65 muhaajiriin ah ayaa bishii May ee sanadkan dhimatay ka dib markii doontii ay la socdeen ay ku degtay xeebaha Tunisia.

16 qof oo ka badbaaday ayaa la geeyay xeebaha Tunisian

Kumannaan muhaajiriin ah ayaa isku daya sanad walba in ay ka talaabaan badda Mediterranean-ka si ay Yurub u gaaraan, islamarkana marinkoodu waa Liibiya.

Balse tan iyo bartamihii 2017 waxaa aad hoos ugu dhacay tirada muhaajiriinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here