2 nin oo dilalka iyo qaraxyada ka geysan jiray magaalada Muqdisho oo la toogtay

canshuur cusmaan abuukar iyo maxamed cali boorow aadan

Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ayaa Saakay dil toogasho ku fulisay labo nin oo horay uga tirsanaa Kooxda Al Shabaab.

Raggan ayaa dilal iyo qaraxyo ka geystay magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay ku dhinteen dad badan oo Soomaaliyeed.

Horay ayaa Xukuno dil ah ugu soo rideen heerarka Kala duwan ee Maxkamadaha Ciidanka Qalabka sida balse Saaka Aroortii hore ayaa lagu toogtay Fagaaraha Cadaalada ee Toogashadu ka dhacdo ee Muqdisho.

Maxkamadda Sare ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa May 20, 2019-ka Xukun Dil ah ku riday Labadan ka tirsan xoogaga Al-Shabaab oo racfaan ka soo qaatay xukunkii Maxkamadda darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka Sida ee ahaa dilka toogashada.

Halkan ka akhriso:

Taariikhdu Markay ahayd 13/03/2019, waxay Maxkamada Da’1aad  Ciidamada Qalabka Sida u fariisatay Dacwad Ciqaabeedkii loo haystay Eedaysanayaal:-Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) ina Faadumo Aadan Cismaan 23jir ah ku dhashay Sh/dhexe. Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) ina Xaawo Cawil Mursal 25 jir ah ku dhashay Bay , kuwaas oo xafiiska xeer-ilaalinta ciidamada qalabka sidakusoo  eedeeyay  Dembiyada kala ah ka mid noqosho Urur Hubaysan oo lid ku ah awoodaha Qaranka (Qaran dumis), Dil bareer ah iyo Xasuuq dad shacab ah, eedaysanayaasha waxaa lagu eedeeyay inay fuliyeen falalka soo socda:-

15/08/2017, waxay weerar ku qaadeen gaari ay saarnaayeen hal Qoys waxaana ku geeriyooday Marxuum Maxamed Xasan Cabdi Cawad.

27/09/2017 isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne, waxay mar kale ku weerareen gaari ay saarnaayeen 2da Marxuum ee kala ah 1) Marxuumad Canab C/laahi Xaashi oo ahayd Xoghayihii Guud ee Ururka Haweenka Qaranka 2)Marxuum Axmed Jaamac Xirsi, weerarkaasoo sababay geerida labada marxuum.

09/11/2018, waxay qayb ka ahaayeen weerarkii lagu qaaday Hotel Sahafi, weerarkaas oo ay ku geeriyoodeen  32 ruux.

Sidoo kale 22/12/2018 waxay ahaayeen abaabulayaashii labadi qarax ee ka dhacay  Tiyaatarka Qaranka iyo Daljirka Dahsoon, oo ay   kugeeriyoodeen 27ruux .

Taariikhdu ahayd  20/03/2019  waxey  maxkamada ciidamada qalabka sida ku  Xukuntay Dil toogasho ah.

Labada xukunsane ayaa Xukunka Maxkamadda Racfaan ka qaatay 06/04/2019.

Maxakamadda sare ee Ciidamada qalabka sida ayaa markale Dil ku xukuntay 04/05/2019.

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 05/08/2019 waxaa lagu fuliyay Xukukii dilka ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here