22 qof oo ku geeriyooday degmada Jalalaqsi iyo dad kale oo il-daran (Warbixin)

Jalalaqsi

Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in cudurka shuban biyoodka uu fara ba’an ku hayo dadka ku dhaqan degmada Jalalaqsi iyo deegaanada ku xeeran ee gobolkaasi.

Guddoomiyaha degmadaasi, Maxamed Nuur Cagajoof o la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey in maalmihii ugu dambeeyey dad gaaraya illaa 22 qof ay shuban biyood ugu geeriyoodeen gudaha magaalada Jalalaqsi iyo deegaanada hoos yimaada.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan cudurka ay la’il daran yihiin in ka badan 70 qof oo u badan caruur, kuwaas oo la dhigay goobaha caafimaad ee gobolka.

“Shuban biyood ayaa dhibaato nagu hayo geerida waxay saacadaan mareysaa 22 qof, sidoo kale waxaa isbitaalka ku jira todobaatameeyo kale”. ayuu yiri guddoomiyuhu.

Cagajoof oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in xaaladda degmada ay adag tahay, islamarkaana ay ka jirto macluul iyo nafaqo darro laga dhaxlay fatahaadihii u dambeeyey.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in dadka deegaanadaasi ay u baahan yihiin gurmad caafimaad, islamarkaana dadka uu cudurka soo ritay isbitaalada la dhigay aysan ku filneyn daaweyntooda.

Ugu dambeyn wuxuu ugu baaqay hay’adaha samafalka, madaxda dowlad goboleedka HirShabelle iyo kuwa dowladda federaalka Soomaaliya in gurmad deg deg ah loo fidiyo dadkaasi oo u baahan daryeel caafimaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here