5 askari oo baajiyey in Al-Shabaab gudaha Hotel SYL dad badan ku laayaan

syl hotel2

Afar Askari oo ka tirsan ciidanka ilaalada Hotel SYL iyo hal askari oo ka tirsan ciidanka Koofiya casta ee madaxtooyada Soomaaliya ayaa xalay suurtageliyay in ay baajiyaan damacii Al-Shabaab ee ahaa in ay gudaha hoteelka ku laayaan shacab badan.

Talaabada ugu horreysa waxaa qaaday askari ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada waxa uuna markii hoteelka korayeen ka dilay laba nin, kuwaas oo kala ahaa mid korkiisa hoteelka lagu korayay iyo mid ilaalo u ahaa kuwa hoteelka xooga ku korayay, waxa uuna askarigaas mudan yahay in la dalacsiiyo ama la abaal mariyo.

Saddexda nin ee Shabaabka ah ee gashay gudaha hoteelka waxay ka dhaqaaqi waayeen afar nin oo ilaalo ka aheyd hoteelka kuwaas sameeyay talaabo aan hore loo arag.

Afartaan askari ayaa Al-Shabaab ka xigsaday in ay galaan dhismaha hoteelka oo ay ku jireen dad ka badan boqol qof waxayna suurta geliyeen in rasaas kala hortagaan Al-Shabaab kadibna ay Shabaabkii galeen meel kushiin ah oo hoteelka dhabarkiisa dambe xigta.

Dad hoteelka laga soo badbaadiyay ayaa sheegay in haddii aysan ciidanka hoteelka muujin laheyn dadaalkaasi in Shabaab ay dili lahaayeen dad aan yareen, kana badan shanta qof ee booliisku sheegeen inay dileen.

Hoteelka waxaa ka socday laba kulan oo kala ah, Bandhig Buug oo ay ka qayb galayeen tobaneeyo dhalinyaro ah iyo kulan ay ku lahaayeen odayaasha Habar Gidir ee shalay ka qayb galay Caleema saarka Guddoomiyaha Golaha Beeshaasi.

Dad badan ayaa ku taliyay in la abaal mariyo shantaasi Askari iyo kooxihii kale ee ka qayb qaatay badbaadinta dadkii go’doonka ku jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here