7 ka mid ah askartii ilaalada u aheyd Axmed Madoobe oo ku biiray Al-Shabaab

Axmed Madoobe1

Illaa toddoba askari oo ka tirsanaa ilaalada madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lagu warramayaa inay ku biireen Al-Shabaab, sida ay werisay idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho.

Askartan oo shalay galinkii dambe ka baxday magaalada Kismaayo ayaa ciidamo ka tirsan Daraawiishta Jubbaland dagaal kula gashay duleedka magaalada Kismaayo, kuwaas oo la sheegay in lagu amray inay qabtaan askartan baxsadka ah.

Wararka aan ka heleyno dagaalkaas waxa ay sheegayaan in ciidankii ka tirsanaa Daraawiishta Jubbaland seddax askari looga dhaawacay, kuwaas oo lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Kismaayo.

Todobada askari ee ka baxsatay Jubbaland ayaa sida aan xogta ku heleyno waxay geereen oo lagu soo dhaweeyey deegaanka Janaay Cabdalle oo 60KM galbeed ka xiga magaalada Kismaayo, halkaas oo ay maamulaan Al-Shabaab.

Waxaa noo suura galin xiriirro aan la sameynay madaxda maamulka Jubbaland, si aan wax uga weydiino ciidamadan ka tirsanaa ilaalada madaxweynaha ee ku biiray Al-Shabaab.

Arrinkan oo noqotay tan maanta ugu hadal heynta badan magaalada Kismaayo, ayaa ku soo aadaysa xilli maalmihii dambe ay ciidamada Jubbaland gobolka Jubbada Hoose ka wadeen dhaq-dhaqaaqyo ay ku baacsanayeen Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here