Gabar Aroos cusub aheyd oo seygeeda ku weyday qaraxii Ex Koontarool (Qiso Xanuun leh)

Qaali Ibraahim aroosad q excotrol

Qaali Ibraahim oo 18 jir ah ayaa seygeeda oo ay muddo afar bilood is qabeen ku weyday qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay Ex Koontarool Afgooye, waana mid ka mid ah qisooyinka ugu xanuunka badan ee laga diiwaan geliyay dhacdadii argagaxa laheyd ee shalay ka dhacday magaalada Muqdisho.

Qaali ayaa wacday taleefanka seygeeda Mukhtaar Abuukar, oo daqiiqado ka hor ka baxay guriga, si uu nolol maalmeedkiisaa shaqo u guda galo, kaddib markii ay maqashay dhawaaqa qarax xooggan oo ka dhacay meel ku dhow gurigooda.

“Taleefanka aad wacday lama heli karo” ayaa durba loogu jawaabay taleefankii ay garaacday oo seygeeda ahaa, saacado murugo ah ka hor inta aysan xaqiiqsan geeridiisa iyada iyo sodoheed ayaa bilaabay inay Isbitaaladaa ka baadigoobaan, waxaana markii dambe ay aqoonsadeen qeybo ka mid ah jirkiisa oo gubtay.

Qaali ayaa ka aqoonsatay seygeeda qeybo ka mid ah jirkiisa oo aad u gubtay mid ka mid ah farahiisa oo nabar ay bar-garaneysay ku yaallay, waxaana sidaas ay ku xaqiiqsatay meydkiisa oo ay markii dambe soo aaseen qeybo ka mid ah jirkiisa.

“Waxaan wada joognay xalay” ayay tiri Qaali oo aad u murugeysan, iyadoo leh Uur 3 bilood ah waxaa uu seygeeda oo 35 jir ahaa ka shaqeynayay dhismayaasha guryaha, isagoo ka mid ahaa dadka danta yar ee xoogsatada ah.

Qaraxii shalay ka dhacay Ex Koontarool Afgooye waxaa uu saameynta ugu badan ku yeeshay dadka ugu nugul bulshada, sida xoogsato, arday iyo dad kale, waana mid ka mid ah qaraxyadii ugu saameynta badnaa ee ka dhaca Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here