Shacabka Muqdisho oo qabtay nin Shabaab ah oo weerar ku dhaawacay sarkaal boolis

muqdisho diyrgrow erdogan3

Shacab ku sugan xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodon ee  magaalada Muqdisho ayaa maanta sameeyey arrin dhiiranaan leh kadib markii ay gacanta ku dhigeen nin Shabaab ah oo isku day dil ka gaystan xaafadda.

Ninkan Shabaabka ah ee shacabka ay qabteen ayaa waxa uu isku dayay inuu dilo sarkaal ka tirsan ciidamada booliska, kaasi oo uu ku dhuftay dhowr rasaas ah, kadibna isku dayey inuu goobta ka baxsado.

Sida ay sheegeen goobjoogeyaal, Sarkaalka ayaa la sheegay inuu dhaawacmay, waxaana kadib inuu baxsado isku dayey ninka Shabaabka ah, hase yeeshee waxaa ceersaday dad meesha ka ag dhowaa, si ay usoo qabtaaan.

Shacabka oo ku qeylinayaa “Qabta Shabaabka” ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay gacanta ku soo dhigaan Shabaabkii, kaasi oo markii xoogaa jirdileen kadib u dhiibay ciidamada booliska, oo kadibna la wareegay ninka.

Tallaabada ay qaadeen Shacabku ayaa waxaa aad usoo dhoweeyey maamulka Degmada Hodan oo sheegay in arrintan ay tahay mid dhiiranaan leh, oo haddii dadka oo idil ay sameyn lahaayeen aan la arki lahayn Shabaab wax ku dila gudaha magaalada.

Tallaabada maanta lagu qabtay ninkaan ka tirsan Shabaab ayaa waxa ay muujinaysa in dadka shacabka ay yihiin kuwa soo jeestay oo dhibsaday falalka Al-Shabaab ay dadka ku laynayaan, iyadoo lagu guda jiro bisha Barakeysan ee Ramadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here