Taliyaha guutada 22-aad ee qaybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim ayaa ka warbixiyey weeraro ka dhan ah Al-Shabaab oo ay ka fuliyeen gobolka Hiiraan.
Taliyaha ayaa sheegay in weerarada oo ahaa kuwa qorsheysan ay ku qaadeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen inta u dhexeysa degmooyinka Buula-Burde iyo Jalalaqsi.
Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim oo u warramayey warbaahinta ayaa tilmaamay in howlgalladaasi ay ku dileen illaa 7 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in hub iyo gaadiid ay ka soo furteen saldhigyada ay weerareen, sida uu hadalka u dhigay.
Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi ay guulaha ka sheegteen saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya.
Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii la soo dhaafay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kordhiyeen howlgallada ka socda koonfurta iyo bartamaha dalka.