DF oo mar kale dib u dhigtay furitaanka duulimaadyada

garoonka muqdisho adan cade1

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta mar kale si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dib u dhigtay furitaanka duulimaadyadii Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Maxamed Cabdullaahi Salaad Oomaar oo wareysi siiyey telefishinka Qaranka ayaa sheegay inay dowladda go’aan ku gaartay inaan hadda la furin duulimaadyadii gudaha iyo kuwii Debadda.

Sababta ayuu wasiirka ku sheegay inay ka fogaanayaan weli halista cudurka COVID-19 oo si weyn ugu faafay Soomaaliya iyo adduunyada.

“Iyadoo laga taxadarayo in cudurka COVID19 oo maraya marxalado kala duwan waddanka gudihiisa in dib loogu soo celsho meel uu ka yaraaday ama la geeyo meel illaa hadda  uusan gaarin ayaa dib loo yara dhigay furitaanka duulimaadyada gudaha” ayuu yiri Wasiir Oomaar.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey looga soo xigtay in duulimaadyada Soomaaliya ay furmi doonaan 18-ka bisha June sanadka 2020, saacaduna tahay shan saac kontan iyo sagaal daqiiqo.

Xayiraadda la saaray duulimaadyada gudaha Soomaaliya ayaa ku ekeyd 8-da bishan June, dowladduuna weli sooma saarin amar shaacsan oo lagu dheereeyey, hase yeeshee duulimaadyada ayaa weli hakad ku jira.

Xogo cusub ayaa sheegeysa in lagu wado in duulimaadyada dib loo furo 30-ka bishan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here