Diyaaradaha dagaalka Ethiopia oo duqeymo culus ka fuliyey gobolka Tigray-ga

diyaarad dagaal Ethiopia

Ciidamada cirka Ethiopia ayaa Jimcihii duqeeyey baqaaro hub oo ku yaalla gobolka Tigray, waxayna burburiyeen qalab militari, waxaa sidaas sheegay Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed.

Duqeymaha ayaa lala beegsaday goobo ku yaalla bartamaha iyo hareeraha magaalada caasimadda u ah gobolka ee Mekelle, waxayna burburiyeen gantaallada lidka dheer, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Abiy oo ay baahisay warbaahinta dowladda ku xiran ee Fana.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha ka dhashay duqeymaha laga fuliyey magaalada Mekelle, oo Abiy Ahmed uu ugu yeeray “wareegga koowaad ee howlgalka.”

Abiy ayaa ku hanjabay inuu sii socon doono dagaalka. “Howlgalkan waa uu sii socon doonaa illaa taliska lagula xisaabtamo sharciga,” ayuu yiri, isaga oo tixraacaya xisbiga maamulka gobolka Tigrayga ee TPLF.

Ma jiro wax war ah oo ku saabsan weerarada oo laga heli karo hogaamiyayaasha gobolka Tigray-ga.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Arbacadii sheegay inuu ciidamada militariga amray inay jawaab ka bixiyaan “weerar” xisbiga maamula gobolka Tigray ee TPLF ku qaadeen xero ay ku jireen ciidamada federaalka.

TPLF waa ay beeniyeen inuu wax weerar ah dhacay, waxayna Abiy ku eedeeyeen inuu sheekadaas abuuray, si uu qiil ugu helo inuu ciidamada militariga ku daabulo gobolkaas.

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa Jimcihii isku dayey inuu hoos u dhigo cabsida laga qabo dagaal lagu hoobto oo ka dhaca gobolka Tigray ee dalkaas, oo ciidamada militariga ay howlgal ka billaabeen.

Abiy ayaa sheegay in howlgalka militari ee gobolka Tigray uu leeyahay ujeedooyin xaddidan.

“Howlgallada ciidamada difaaca federaalka ee ka socda waqooyiga Ethiopia waxay leeyihiin hadafyo kooban oo lagu guuleysan karo – in lasoo celiyo amarka iyo kala dambeynta dastuuriga ah, lana ilaaliyo xuquuqda dadka Ethiopia ee ah inay ku noolaan nabad meel kasta oo ay dalka ka joogaan,” ayuu Abiy ku yiri qoraal usoo dhigay Twitter.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here