Booliska dalka Japan ayaa qiray in uu liitay qaabka loo sugayay amniga Raysul Wasaarihii hore ee dalkaas, Shinzo Abe, kaasoo Jimcadii toogasho lagu dilay xilli uu ku sugnaa magaalada koonfurta ku taalla ee Nara.
“Lama inkiri karo inay dhibaato ka jirtay dhinaca amniga,” ayuu yiri taliyaha taliyaha booliska ee magaalada Nara, oo lagu magacaabo Tomoaki Onizuka.
Nin ku hubaysnaa qori macmal ah ayaa rasaas ku furay Abe oo ka hadlayay isusoobax siyaasadeed oo qayb ka ahaa ololaha doorashada.
Fal-dambiyeedkaas ayaa argagax galiyay guud ahaan dadka reer Japan.
Eedeysanaha oo sharraxay sababta uu dilka u gaystay
Ninka loo haysto dilka Raysul Wasaarihii hore ee Japan ayaa islamarkiiba lagu qabtay goobta.
Booliska ayaa sheegay in ninkan oo lagu magacaabo Tetsuya Yamagami, oo 41 jir ah, uu ciil hore u qabay “urur gaar ah”.
Warbaahinta Japan oo soo xiganaysay ilo ku dhow kooxda baaritaanka wadda ayaa tebisay in Yamagami uu aaminsanaa in Shinzo Abe uu xiriir la lahaa koox diimeed, oo Yamagami uu ku eedeeyay in ay nolosha hooyadiis burburiyeen, dhaqaale ahaan.
Eedeysanaha ayaa qirtay toogashada Abe oo uu ku fuliyay qori uu guriga ku samaystay, sida ay saraakiisha boolisku sheegeen.
“Arrinta degdegga noo ah waa inaan samayno baaritaan guud oo aan ku ogaanayno sida ay wax u dhaceen,” ayuu yiri taliye Onizuka, isagoo aan sii faahfaahinin meelaha uu habacsanaanta ka arkay.
Illin ayaa indhihiisa kasoo daadan gaartay sarkaalkan marka uu saxafiyiinta la hadlayay.
Yamagami ayaa u sheegay booliska in uu mar kasoo mid ahaan jiray ciidamada badda ee Japan, oo uu muddo saddex sano ah la shaqaynayay.
Dhawaanahan waxa uu ka shaqeynayay warshad ku taalla galbeedka Japan.
Toogashadan ayaa timid xilli Japan uu ka jiro sharci aad u xakameeya isticmaalka hubka, waxaana waddankaas aad ugu yar dambiyada lagu gaysto hubka.
Aad bay u adag tahay in qof Japan jooga loo sharciyeeyo hub uu guriga dhigto.
Maanta oo Aaxd ah waxaa Japan ka billaabatay Codeynta Doorashada aqalka sare ee baarlamaanka, inkastoo uu doorashada si weyn u hareeyay dilka Ra’iisul Wasaarihii hore.
Waxaa la saadaalinayaa in xisbiga talada haya, oo uu Mr Abe ka ahaa hoggaamiye siyaasadeed oo rugcaddaa ah, ay heli doonaan kuraas dheeraad ah, kaddib dilkiisa.
Balse guul wayn oo uu gaaro xisbiga LDP waxay xoojin doontaa saamaynta siyaasadeed ee Raysul Wasaaraha hadda xilka haya, isagoo awood u yeelan doona qorsheyaashiisa uu ka mid yahay midka uu ku doonayo inuu ku labanlaabo kharashka ku baxa waaxda gaashaandhigga.