Abiy Ahmed oo xil wasiir u magacaabay gabar Somali ah

Filsan Cabdullaahi Axmed

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa qaatay go’aan hadal heyn badan dhaliyey kadib markii gabar Soomaali ah uu u magacaabay xubin ka tirsan golaha Wasiirada ee dalka Itoobiya.

Wasiirka Haweenka iyo Carruurta Itoobiya ayaa loo magacaabey Filsan Cabdullaahi Axmed oo sidii kale ah Milkiilaha Telefishinka keliya ee madaxa bannaan ee deegaanka Soomaalida oo lagu Magacaabo Nabad TV.

Filsan Cabdullaahi Axmed ayaa waxaa ay kamid tahay dhalinyarada ku dhashay dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana ugu firfircoon, waxaana Magacaabisteeda soo dhaweeyey inta badan Soomaalida dowlad deegaanka.

Filsan Cabdullaahi Axmed oo u ololeyn jirtay nabadda ayaa ka mid ahayd saddex wasiir oo cusub kuwaasoo u Xalay magaacabay Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, waxaana maanta ansixiyey Baarlamanka Itoobiya.

Halkaan hoose ka akhriso seddexda wasiir ee uu magacaabay Abiy Ahmed

  1. Dr Lia Tadesse – Wasiirka Caafimaadka
  2. Lake Ayalew- Wasiirka Dakhliga
  3. Filsen Abdulahi –Wasiirka Haweenka, Caruurta iyo Dhalinyaradda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here