Akhriso Ururka IGAD oo qoraal labaad ugu hambalyeeyey Madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor

igad

 Ururu goboleedka IGAD ayaa laba qoraal oo kala duwan kasoo saaray xaaladda Galmudug, waxaana qoraalka labaad uu yimid markii su’aalo badan ka dhasheen qoraalkii koowaad.

Qoraalka koowaad ee ururka uu soo saaray ayaa looga hadlay xaaladda Galmudug, waxaase yaab lahaa in aan lasoo hadal qaadin doorashadii madaxweynaha cusub ee maanta lagu doortay Dhuusomareeb, ama aan loogu hambalyeyn.

Qoraalka IGAD ayaa lagu sheegay kaliya in ururka uu muddo si dhow ula socda xaaladda Galmudug, islamarkaana uu kaalin ka cayaaray midowga maamulkaas ee la isugu keenay ururka Ahlu-Sunna iyo maamulka Galmudug ee madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

IGAD ayaa sheegtay inay bogaadineyso dhammaan hindisooyinka iyo tanaasullada ay sameeyeen saamileyda siyaasadda Galmudug ee ku aadan dhismaha Galmudug mideysan.

IGAD ayaa sheegtay inay muhiim tahay ilaalinta xasiloonida Galmudug iyo bad-baadada dadkeeda oo lagu ilaaliyo maamul mideysan, waxaana IGAD ay ku baaqday.

1-  In laga fogaado dhammaan falalka rabshdaha ee waxyeeleyn kara sharciga iyo kala dambeynta, iyo bad-baadada.

2 – In dhammaan khilaafyada jira lagu xaliyo wada-hadal

3 – In ahmiyad la siiyo dhisidda nabadda iyo dib u heshiisiinta, si sare loogu qaado midnimada iyo is-dhex-galka Galmudug.

Sacaado kadib ayaa markii su’aalo badan ka dhasheen, islamarkaana qoraalka koowaad loo arkay mid IGAD ay xaaladda Galmudug uga istaagtay dhex-dhexaad, waxaa ururka uu soo saaray qoraal kale kaasi oo logu hambalyeeyey madaxweyne Qoor Qoor, kuna ballan-qaaday inay la shaqeyn doonto..

Ma cadda, haddii IGAD ay dareentay in qoraalkeeda koowaad uu su’aalo abuuray ama inuu cadaadis uga yimid dowladda federaalka.

Qoraalkii Kowaad ee kasoo baxay IGAD

Qoraalkii Labaad ee kasoo baxay IGAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here