Akhriso: Warbixinta laga diyaariyay Sharciga Doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal

aqalka baarlamaanka somalia

Guddiga KMG ah ee diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka ayaa maanta ka hor akhriyay Golaha Shacabka Warbixinta Sharciga doorashooyinka Qaranka ee Heer Federaal, kaasoo u gudbay Akhrinta Labaad.

Warbixinta oo ka koobneyd lix bog ayaa waxaa ku lifaaqneyd sharciga doorashooyinka oo loo qeybiyay Xildhibaanada, iyadoo lagu sameeyay wax ka bedel badan qaabkii ay Xukuumadda u soo diyaarisay ee aan waafaqsaneyn Dastuurka.

Sidoo kale warbixinta Guddiga ayaa waxaa ku jirtay la tashiyo uu ka soo sameeyay dowlad goboleedyada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana dhammaan warbixinta ku cadaa natiijada kulamada Guddiga soo waday ee la xiriiray la tashiyada sharcigan.

Qodobada Guddiga wax ka bedelka ku sameeyay ayaa ahaa inuu meesha ka saaray hannaanka doorashada ee nidaamka Metelaada isu dheeli tiran ee Liiska xiran (Proportional representation closed list), kaasoo ahaa mid dhaliyay doodo kala duwan, gaar ahana sida la isku waafajin karo awood qeybsiga 4.5.

Sidoo kale Guddiga ayaa qaatay Nidaamka Aqlabiyada badan (Majoritarian System) kuna salaysan in kursi kastaba gaarkiis loo doorto (Single Member popularity “SMP”) ama habka loo yaqaan horreeyaa guuleysta (First Past The Post “FPTP”) oo lagu kala baxo codka haldheeriga ah ee tartanka kursi deegaanka.

Halkan hoose ka akhriso Warbixinta Guddigaka soo diyaariyay sharciga doorashooyinka.:-

Warbixinta Guddiga KMG ee Sharciga Doorashooyinka – Final

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here