Dagaal u dhaxeeyey dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab iyo dadka xoolo dhaqatada ah ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Ceel Cadde ee gobolka Gedo.
Arintan ayaa ka dambeysay kadib markii Al-Shabaab ay doonayeen in dadka xoolo dhaqatada ah in ay xoog uga qaataan xoolahooda balse dadkaasi ay diideen.
Guddoomiyaha deegaanka Ceel Cadde ee Gobolka Gedo Cabdirashiid Cali Cabdi Qoorleex ayaa sheegay in dadka xoolo dhaqata ay la dagaalameen Al-shabaab, islamarkaana waxaa uu ku baaqay in taageero dheeraad ah la siiyo dadka shacabka ah ee dagaalka kula jira dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Sidioo kale Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadda xaaladda ay dagan tahay, islamarkaana labada dhinac ay dhaq dhaqaaqyo xoogan ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Gedo.
Horay ayaa waxaa deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ka dhacay dagaalo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo dad is aruusaday oo la Magac baxay Macaawuusleey, kuwaas oo sheegay inay Shabaab dhibaato kala kulmeen.
Al-Shabaab ayaa xoola dhaqatada iyo beeraleyda ka qaado lacago ay ku sheegeen inay yihiin sako balse ay dadka shacabka ah ku sheegeen in la xalaaleysanayo xoolahooda.