Al-Shabaab oo burburiyey shirkad isgaarsiineed oo laga leeyahay dalka Kenya

alshabab somalia

Dagaalyahanada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa burburiyay xarun shirkad isgaarsiineed oo laga leeyahay dalka Kenya.

Inkastoo Al-Shabaab aysan sheegan burburintaan hadana dadka deegaanka ayaa sheegay in 20 dagaalyahan oo Al-Shabaab ka tirsan ay weerar ku qaadeen xarunta oo ku taalla deegaanka Korakora ee magaalada Gaarisa.

Dagaal ayaa la sheegay inuu dhexmaray dagaalyahanadii xarunta soo weeraray iyo askar ka tirsan Booliska Kenya oo xaruntaas ilaalo ka ahaa, wuxuuna weerarkaan kusoo aadayaa xilli Booliska Kenya ay ka digeen weeraro kusoo wajahan xarrumo muhiim ah oo ku yaalla xadka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

Khasaaro nafeed oo ka dhashay dagaalka lama sheegin, waxaana jirtay in dhawaan taliyaha Booliska gobolka Waqooyi Bari (Rono Bunei) uu sheegay iney ballaariyeen hawlgallada amniga lagu xoojinayo ee deegaanada uu gacanta ku haayo.

Dagaalyahanada AL-Shabaab waxey xoojiyeen weerarada ka dhanka ah ciidanka Kenya, waxaana xusid mudan in deegaanka FAAFI ee ka tirsan gobolka Waqooyi Bari weerar ay u geysteen horaantii bishaan halkaas oo khasaaro naf iyo maalba leh uu ka dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here