Al-Shabaab oo daaha ka rogtay xarun loogu talogalay Coronvirus

Xarun Coronavirus alshabaab

Kooxda Al-Shabaab ayaa daaha ka rogtay xarun go’doomin iyo daryeel ah oo loogu talo-galay dadka uu ku dhaco cudurka Coronavirus, taasi oo ah astaan muujineysa in kooxda ay si dhab ah u qaadaneyso cudurka.

Al-Shabaab ayaa Jimcaha ku dhowaaqday xaruntan, oo ay ku jirto qeyb lasoo wici kara 24-ka saac, waxaana laga aas-aasay magaalada Jilib ee kooxdan ay haysato.

“Waxaan ku boorinayaa dadka isku arka astaamaha cudurka inay yimaadaan xaruntan caafimaad, kana fogaadaan inay cudurka qaadsiiyaan muslimiinta kale,” waxaa sidaas yiri Sheekh Maxamed Baali, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan kooxdan islamarkaana xubin ka ah guddiga COVID-19 ee kooxda Al-Shabaab, oo hadalkiisa laga sii daayey idaacadda Al-Shabaab ee Andalus.

Xaruntan oo uu wacay weriye ayaa waxaa ka jawaabay nin sheegay “inay dadka oo dhan u furan tahay.” Wuxuu diiday inuu shaaciyo haddii illaa ay hadda xarunta ay joogaan dadka qaba fayruska.

Xaruntan ayaa laga sameeyey dhisme ay horey u adeegsan jirtay hay’adda caruurta u qaabilsan QM ee UNICEF.

Muddo bilo ah, saraakiisha caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa ka digayey in goobaha ay maamulaan Al-Shabaab ee bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya ay halis ugu jiraan in cudurka uu ku faafo.

Illaa iyo hadda Soomaaliya lagama shaacin wax kiisas ah oo laga diiwaan geliyey deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab, kuwaasi oo aysan gaari karin shaqaalaha caafimaadka dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa waxaa laga diiwaan-geliyey in ka badan 2,500 oo kiis oo cudurka Coronavirus ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here