Kooxda Al-Shabaab ayaa shalay gelinkii dambe fagaare ku yaalla deegaanka Buq-Aqabale ee gobolka Hiiraan ku toogatay nin lagu magacaabi jiray, Daa’uud Aadan Muumin kaasi oo ay ku eedeeyeen inuu horey dil u geystay.
Fagaaraha lagu toogtay marxuumka ayaa waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Al-Shabaab iyo sidoo kale dadweyne la’isugu yeeray halkaasi.
Maxkamadda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ehellada marxuumkii horey loo dilay oo magaciisa lagu sheegay Daa’uud Qeyley ay dalbadeen in loo qisaaso, kadibna xukunka sidaasi loogu fuliyey, marxuum Daa’uud Aadan Muumin.
Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shaacisay in dilkaasi uu ka dhacay isla deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kadiba gacanta lagu soo dhigay ninkaasi.
Inta badan Al-Shabaab ayaa xukuno dil u badan ka fulisa deegaanada ay ka arrimiso ee koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.