Al-Shabaab oo isaga baxday degaano hoostaga Galmudug

shabaab2

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay isaga baxeen deegaano ka tirsan gobolkaasi oo muddo ay ku sugnaayeen.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah Dagaalyahannadii Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanada Deeqlo iyo Maraale oo hoostaga degmada Xarardheere ayaa faarujiyey saldhigyadii ay ku lahaayeen halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay dhaq dhaqaaqyo ay ka bilaabeen halkaasi, si ay ula wareegeen gaca deegaanadaasi.

Saraakiil ka tirsan kuwa ciidanka Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in Al-Shabaab la saaray culeys xoogan, islamarkaana duqeymihii u dambeeyey ee lala beegsaday ay sababeen inay dib uga gurtaan deegaanada Deeqlo iyo Maraale.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka dhacay saraakiisha Al-Shabaab oo ku aadan dhaq dhaqaaqyada ka socda nawaaxiga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Muddooyinkii dambe ciidanka Milatariga Soomaaliya, kuwa daraawiishta Galmudug iyo diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa kordhiyey howlgallada ka socda gobollada Mudug iyo Galgaduud oo ay weli ko xoogan yihiin dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here