Al-Shabaab oo markale weerartay saldhig ay leeyihiin ciidamada Kenya

alshabab somalia

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal u dhexeeyey ciidamada Kenya iyo Al-Shabaab oo xalay ka dhacay gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka oo muddo socday ayaa yimid, kadib markii xalay saqdii dhexe dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen saldhig ciidamada Kenya ku leeyhiin deegaanka Kulbiyow ee gobolkaasi,kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay maqlayeen daryanka madaafadiic ay is weydaarsanayeen labada dhinac.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerarkaasi, inkastoo aan weli si dhab ah loo xaqiijin karin.

Al-Shabaab oo ka hadashay dagaalkan iyo weerarka ka horreeyey ayaa sheegtay inay khasaare ku gaarsiiyey ciidamada Kenya, balse ma shaacin inta uu la’egyahay.

Xaaladda ayaa haatan kacsan, waxaana dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Shalay ayey aheyd markii dagaalyahannada kooxda Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen saldhig milatari oo ay si wadajir uga howlgalayeen ciidamo Mareykan ah iyo kuwa dowladda Kenya oo ku yaalla gobolka Lamu, kaas oo uu ka dhashay khasaare xoog leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here