Al-Shabaab oo sheegtay inay dileen sagaal askari oo Kenyan ah

kenyan army

War kasoo baxay dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in weerar ay ka geysteen deegaan ka tirsan gobolka Mandheera ee dalka Kenya ay ku dileen Sagaal Askari oo ka tirsanaa Militariga Kenya.

Weerarka oo ahaa mid jid gal ah sida ay sheegteen Al-Shabaab ayaa dhacay galinkii dambe ee shalay, waxyar uu ka dib markii ciidamada Kenya ee la weeraray ay kasoo bexeen saldhig ay ciidamada KDF-ta Kenya ku leeyihiin deegaan lagu magacaabo Ceelraam oo ka tirsan gobolka Mandheera.

Al-Shabaab waxa ay ku sheegeen warkooda in weerarkaas ay Militariga Kenya uga dileen 9 askari, sidoo kala ay kaga gubeen ilaa Afar gaari oo kuwa dagaalka ah.

Ciidamada Kenya ee weerarku qabsaday ayaa waxaa la sheegay in ay kasoo baxeen daqiiqado ka hor inta aan la weerarin saldhig military oo ay ku leeyihiin deegaanka Ceelraam, waxeyna kusoo wajahnaayeen gudaha Soomaaliya, gaar ahaan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

wali wax war ah oo ku aadan weerarkaas ay sheegteen Al-Shabaab in ay ku dileen ciidamo badan oo Keenyaan ah kama soo bixin dowladda Kenya.

Ciidamada Kenya ee ka howlgala dhulka ay degaan dadka Soomaaliyeed ee loo yaqaano NFD ayaa waxaa loogu geystaa weerarro joogto ah, kuwaas oo ay mas’uuliyaddoda dusha u ritaan dagaalyahanada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here