Al-Shabaab oo sheegtay inay saaka weerareen saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee Camp Simba

shabaab2

War goor-dhow kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaal-yahanada kooxdaasi ay saaka aroortii weerar ku qaadeen saldhig ku yaalla gobolka Lamu ee dalka Kenya oo ay ku sugan yihiin ciidamo Mareykan iyo Kenyan ah.

Bayaan ku qornaa English-ka oo kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay, in saldhigga la weeraray oo loo yaqaan SIMBA kuna yaalla deegaanka “Manda Bay” ee gobolka Lamu, ay ku sugan yihiin “boqolaal askari oo Mareykan ah.”

“Ciidamo ka tirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Al-Shabaab ayaa saaka oo Axad ah aroortii weeraray saldhigga ciidamada badda Mareykanka ee loo yaqaano Camp Simba. Saldhigan ayaa hooy u ah boqolaal kamid ah ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kenya, waana mid ka mid ah saldhigyada laga soo qaado duullaanada Mareykanka ee ka dhanka ah Al-Shabaab” ayaa lagu yiri bayaanka Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ciidankooda si qarsoodi ah ku galeen saldhigga, islamarkaana ay qabsadeen qeybo ka mid ah. Al-Shabaab waxay sidoo kale sheegtay in khasaare xooggan ay gaarsiiyeen ciidanka halkaas ku sugan, inkasta oo aysan caddeyn.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta sheegashada Al-Shabaab, waxaana adag in warar madax banaan laga helo saldhigga. Dowladda Kenya ayaan weli ka hadlin weerarkan ay sheegatay Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here