Al-Shabaab oo soo bandhigay sawiro muujinayo qabsashadii Saldhigii Mareykanka ee Lamu

weerar lamu alshabaab13

Xarakada Al-Shabaab ayaa baahisay sawirada weerarkii ay saaka ku qaadeen Saldhigga ay ciidamada Mareykanka ku lahaayeen Lamu.

Mu’asasada Al Kataa’ib oo ah garabka warbaahineed ee Al-Shabaab ayaa faafisay sawirro ay ku sheegeen inay hodhac yihiin oo muujinaya dagaalyahanada Al Shabaab oo ka dagaallamaya gudaha saldhigga ciidanka Mareykanka.

Sawirada ay Al Kataa’ib faafisay ayaa waxaa laga dhex arkayaa dagaalyahanada Al-Shabaab oo gudaha saldhigga ku gubayo diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka oo yaalay gudaha Saldhigga.

Taliska hawlgallada Mareykanka ee qaaradda Afrika ee magacooda loosoo gaabiyo AFRICOM ayaa xaqiijiyey in saldhig ay ku leeyihiin gobolka Lamu ee Kenya ay beegsatay Al-Shabaab.

Wax Faahfaahin dheeraad ah kama aysan bixin AFRICOM qasaaraha khasaaraha guud ee ka dhashay weerarka oo qaraxyo ku bilowday sidda la sheegay.

Wargeyska Daily Nation ayaa booliska kasoo xigatay in “In shan qof oo weerarka looga shakisanyahay la xiray” warbixinta boliiska ayaa lagu sheegay in saddex diyaarad oo nooca dagaalka ah lagu burburiyey.  weerarkan oo aroornimadii saaka lagu qaaday saldhiga.

Al-Shabaab ayaa u muuqata in ay kordhisay weerarada ay ka fulineyso gudaha dalka Kenya, dhawaan ayeyna aheyd markii ay weerar ku qaadeen bas rakaab oo u socday gobolka Lamu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here