Al-Shabaab oo toogasho ku dilay Kenyan badan oo ay bus kala degeen

shabaab sarkaal

Dhowr qof ayaa laga cabsi qabaa inay dhinteen kadib markii dagaal-yahanada kooxda Al-Shabaab ay weerareen gaari rakaab ah oo kusii jeeday magaalada Mandhera, xilli uu marayey inta u dhaxeysa deeganaada Kutulo iyo Wargadud ee Wajeer.

Taliyaha booliska Wajeer Stephen Ng’etich ayaa wargeyska Daily Nation u xaqiijiyey weerarkan, hase yeeshee ma uusan shaacin tirada rasmiga ah ee khasaaraha.

Ng’etich ayaa sheegay in ciidamada gaarka ah loo diray goobta weerarka uu ka dhacay.

“Waxaan xaqiijin karaa in koox hubeysan ay fiidkii jidka u galeen oo ay weerareen baska oo kusii socday Mandhera, balse weli ma hayno xog ku saabsan tirada khasaraha,” ayuu yiri.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka, oo ay ku sheegtay inay ku dileen 10 qof.

Qoraal lagu baahiyey idaacadda kooxdan ayaa lagu yiri in “kadib baaritaanno lagu sameeyey dadkii saarnaa gaariga ay u kala qeybiyeen muslimiin iyo gaalo kadib la galay 10 qof oo la xaqiijiyey inay gaalo ahaayeen.”

Qoraalka ayaa intaas ku daray in “goobta lagu toogtay tobanka ruux ee gaalada ahaa, iyadoona dadkii kale ee muslimiinta ahaa la sii daayay.”

Weerarkan lagu qaaday baska Madina ayaa dhacay qiyaatsii 5-tii galabnimo.

Weerarka ayaa imanaya bil kadib markii A-Shabaab ay weerareen saldhigga booliska Dadajabula ee Wajeer, si ay halkaas uga sii daayaan laba dagaal-yahan oo uga xirnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here