Ali Roba oo shaaciyey in Jubaland ay ciidamo soo dhoobtay Mandhera

Ali Rob

Barasaabka Mandhera Ali Roba ayaa shaaca ka qaaday in Jubaland ay ciidamo kusoo daabuleyso magaalada, xilli ay jiraan warar sheegaya inay weerar ku yihiin degmada Beled Xaawo, oo ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya.

“Xaaladda Mandhera waa ay sii xumaaneysa maalinba maalinta ka dambeysa, ayada oo ciidamo shisheeye ah oo ka socda Jubaland ay soo buuxinayaan, taasi oo ay dheer tahay ciidamada ay dowladda Soomaaliya kusoo daabuleyso Beled Xaawo,” ayuu yiri Ali Roba oo qoraal soo dhigay twitter-ka.

Ali Roba ayaa sidoo kale soo bandhigay muuqaal muujinaya ciidamo saaraan baabuurta dagaalka oo dhex socda wadada Bulla Jamhuria Road ee bartamamaha magaalada, meel u dhow Xarunta Haduma.

“Tani waxay halis ku tahay shacabka Kenya ee Mandhera. Dowladdeena waa inay si deg deg ah ugu dhaqaaqdaa inay wax ka qabato xaaladdan, ama nolol badan ayaa lagu weyn doonaa,” ayuu yiri.

Hadalkiisa ayaa imanaya ayada oo madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubaland, Maxamuud Sayid uu sheegay in uu ku sugan yahay xadka u dhaxeeya labada waddan, gaar ahaan magaalooyinka xuduudda Mandhera iyo Beled Xaawo.

“Waxaan ku sugannahay xaduuda u dhaxeyso Mandheera iyo Beled Xaawo oo ah dhulka la yiraahdo No man’s land, waxaan kusoo boqday ciidanka dowlad goboleedka Jubaland o aaggaas joogaa”, ayuu yiri Maxamuud Sayid.

Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo taleefonka ku wada-hadlay ayaa isku raacay in la qaboojiyo xiisadda ka taagan xuduudda.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here