Amiiro Al-Shabaab ka tirsan oo lagu duqeeyay Gobolka Mudug

AlShabaab drone

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya duqeymo xalay laga fuliyay  deegaano katirsan koonfurta Gobolka Mudug,halkaasi oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Duqeymahaan ayaa waxaa ay sigaar ah uga dhaceen Deegaan lagu magacaabo Deeqlo oo hoos yimaada Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug,waxaana dad ku sugan Gobolka Mudug ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa duqeymaha ay fulinayeen Diyaaradaha.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay duqeynta diyaaradaha ay ka geysteen deegaano hoostaga degmada Xarardheere oo ay ku xoogan yihiin Ururka Al-Shabaab, iyada oo aysan ka hadlin Saraakiisha Ciidamada Galmudug ee Gobolka Mudug.

Duqeynta ka dhacday Gobolka Mudug ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli dhawaan diyaarado dagaal ay duqeye ka geysteen tuulada Jiracle oo dhaw degaanka Caad oo ku yaala Koonfurta Gobalka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here