AMISOM oo bilaabay diyaarinta sidii ay Ciidamada DF ula wareegi lahaayeen Amniga

amisom Jen Tigabu Yilma

Taliye kuxigeenka Howlgalka iyo Qorsheynta ee Ciidamada AMISOM Jeneraal Nakibus Lakara ayaa booqasho ku tagay Xarumaha Ciidamada AMISOM, si uu u qiimeeyo howlaha ciidamada, si loogu diyaar garoobo qorshaha kala guurka ee sanadka 2021, xilligaasoo AMISOM isku diyaarineyso inay mas’uuliyadda Amniga ku wareejiso Ciidamada xoogga dalka.

Nakibus Lakara, oo ah ku xigeenka taliyaha Amisom oo booqasho ku tagay qaar kamid ah xerooyinka milatari ee ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay in Amisom ay diyaar u tahay sidii ay ciidamada dowladda kaga taageeri lahayd sidii ay wadankooda u difaaci lahaayeen.

“Ciidamada SNA waxa ay u baahanyihiin in laga taageero sidii amaanka guud ee dalka ula wareegi lahaayeen, taasina waa qorsha xaaladda kala guurka oo ay ciidamada Amisom amniga dalka ugu wareejinayaan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Sidoo kale Taliyaha ayaa sheegay inay fulinayaan qorshaha kala guurka Soomaaliya ee ku aadan in sanadka 2021 ay AMISOM ka baxdo Soomaaliya, isla markaana ku wareejiso Mas’uuliyadda Amniga Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Jeneraal Lakara ayaa booqasho ku tagay magaalooyinka Beledweyne iyo Jowhar oo ah xarumaha AMISOM ee qeybaha 4aad iyo 5aad ee ay kala hoggaamiyaan Ciidamada ka socda Jabuuti iyo Burundi.

Booqashada taliyaha ee magaalada Beledwayne ayaa kusoo aaday maalmo kadib markii uu booqasho ku tagay magaalada Jowhar halkaasi oo ku booqday ciidamada Burundi ee halkaasi ku sugan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here