AMISOM oo hambalyo u dirtay Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa

Danjire Madeira4

Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliye AMISOM ayaa hambalyo u diray Madxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa Cali Daahir Ciid oo lagu doortay codayn shalay ka dhacday Magaaladda Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

War qoraal ah oo ka soo baxay AMISOM ayaa lagu soo dhaweeyay doorashadii ka dhacday Dhuusamareeb waxaana AMISOM sheegay in ay qayb ka qaadatay in doorashadu ku dhacdo jawi nabdoon.

“AMISOM waxay u hambalyeynaysaa dhammaan xubnaha cusub ee loo doortay Golaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Guddoomiyaha, Ku-xigeenka Guddoomiyaha iyo Madaxweynaha Dowlad-gobolleedka Dowlad-goboleedka Galmudug waxaanan u rajeyneynaa guul inay ka gaaraan xilalka cusub” ayaa lagu yiri qoraalka.

Howlgalka Midowga Afrika ee nabad ilaalinta Soomaaliya ee loo soo gaabiyo AMISOM ayaa sheegtay in wax badan ay ka dhimanyihiin dhismaha Dowlad goboleedka isla markaana looga baahanyahay Madaxweynaha Cusub in uu isku keeno dhinacyada Galmudug.

“AMISOM waxay ka warqabtaa in wax badan weli loo baahan yahay in la qabto waxayna ku boorrisay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye inuu ku sii wado hiigsiga Shirka Dib-u-heshiisiinta Galmudug uuna hubiyo in dhammaan daneeyayaasha ka soo jeeda Dowlad-gobaleedka Galmudug ay helaan meel la hubo oo ku xeeran” .

Dowladda Faderaalka Soomaaliya, Maamulada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed qaar ka mid ah wadamada Soomaaliya Saaxiibka la ah ayaa dhambaal hamalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here