Aqalka Kongreska Maraykanka oo maanta u codeynaya Mooshinka Xilka Qaadista Trump

capitol hill

Aqalka Kongreska Mareykanka ayaa lagu wadaa in uu u codeeyo maanta mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Donald Trump.

Mooshinkan oo muddo dheer soo jiitamayay ayaa ugu dambeyn lagu wadaa in cod ay u qaadaan Xildhibaanada aqalka Congreska.
Hase yeeshee waxaa go’aan ka gaaraya mooshinka Aqalka Sanetka oo ay ku xoogan yihiin taageerayaasha Madaxweyne Trump.

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sidoo kale warqad uu xanaaq badan ka muuqdo u qoray Gudoomiyaha Aqalka Kongreska, Nancy Pelosi oo uu ku eedeyay in ay dagaal ku tahay dimuqraadiyadda Mareykanka.

Haddii Kongreska uu meel mariyo qorshahan, waxaa loo sii gudbin doonaa aqalka sare ee Senetka, oo ka dib go’aan ka gaari doona soo jeedinta Kongreska.

Madaxweyne Trump ayaa ku eedeysan “qiyaano qaran” iyo in dhiggiisa Ukraine uu ku cadaadiyay sidii uu baaritaan ugu sameyn lahaa madaxweyne ku xigeenkii hore ee Mareykanka, Joe Biden oo horay uga soo shaqeeyay shirkadda gaas-ka ee Ukraine.

Warqadda uu Trump u qoray Gudoomiye Nancy Pelosi, Wuxuu sidoo kale ku sheegay in qorshaha la doonayo in xilka lagaga qaado isaga ay tahay isku day afgembi. Sida loola dhaqmayana wuxuu ku tilmaamay dhibanayaashii qarnigii 17-aad ee Salem, kuwaas oo la dilay ka dib markii lagu helay dembi ah in ay sixiroolayaal ahaayeen.

Hase yeeshee duqa Magaalada Salem wuxuu sheegay in madaxweyne Trump ay tahay in uu waxka barto taariikhda, wuxuuna intaa ku daray in xukunkii ku dhacay sixiroolayaashii Salem uu aaa mid aan wax cadeyn ah loo heynin xilligaas.

Afhayeenka aqalka Kongreska ee Mareykanka, Ms Pelosi ayaa sheegtay in aysan wada akhrinin warqadda uu usoo qoray Trump, balse ay tahay mid aan nuxur badan lahayn.

War qoraal ah oo ay soo saartay Nancy Pelosi ayay ku sheegtay in Kongreska uu gudan doono mid ka mid ah awoodaha uu siiyay dastuurka.

Waa suuragal in masuuliyiinta Dimuquraadiga ee hor kacaya mooshinka ka dhanka ah trump in ay la kulmaan caqabad, maadaama Aqalk Sanetka ay u badan yihiin xisbiga Jamhuuriga ee Trump uu ka tirsan yahay.

Hoggaamiyaha Aqalka Senetka, Mitch McConnell ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii looga hortagi lahaa qorshaha xil ka qaadista madaxweyne Trump.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here