Askartii Kenya ee lagu laayey Ceel-Cadde oo la ogaaday in badankood ay iyagu is-dileen

ciidamada kenya

Wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya ayaa lagu daabacay qoraal uu sameeyay askari ka bad baaday weerarkii ay Al-Shabaab ku qaadeen sanadkii 2016-kii xero ciidanka Kenya ay ka deganaayeen degaanka Ceel-Cadde ee gobolka Gedo.

Qoraalkaas ayaa waxaa lagu sheegay in qaar ka mid ah askartii ku geeriyootay weerarkaasi ay iyagu is dileen si ay uga badbaadaan in Al-Shabaab ay nolosha ku qabto.

Qoraalkaan oo uu sameeyay askari la yiraahdo Lance Eric Lang waxaa uu sheegay in askartii ku dhaawacantay weerarkaas ee ka bixi waayey xerada ay iyagu go’aansadeen inay is dilaan, kadib markii ay ku adkaatay inay banaanka u baxaan oo baxsadaan.

Qoraalka oo ciwaan looga dhigay sharciyada askariga waxaa lagu soo koobay dhacdooyinkii xerada iyo banaankeedaba ka dhacay 16-kii bishii January sanadkii 2016-kii.

Askariga qoraalkiisa la xiganayo waxaa uu xusay inuu sii milicsaday mar uu asaguba naftiisa la baxsanayay qaar ka mid ah askartii dhaawacantay oo iyagu istooganaya.

Amarka is toogashada ayuu sheegay inuu baxiyey mid ka mid ah Taliyaashii xerada oo isaguba ka mid anoqday askarii dhaawacantay ee is dishay.

Markii la siiyey amarkaas is-toogashada ah ayuu sheegay inay ku qanceen si ay uga badbaadaan inay nolosha ugu gacan galaan dagaalyahanadii xerada  soo  weeraray ee Al-Shabaab.

“Dhowr askari oo ku jiray meel dhufays ah oo ay ku adkaatay inay banaanka xerada u baxsadaan sideyda oo kale ayaan arkayey iyaga oo xabado isku dhufanaya markii aan sii baxayay” ayuu yiri askariga Kenyanka ah ee qoraalkaan sameeyay oo lagu magacaabo Lance Eric la yiraahdo.

Sidoo kale Captain Samwel Gaiti, oo ah duuliye diyaarad Militeri oo mar dambe u gurmaday ciidankii lagu weeraray xerada ayaa sheegay in dhawr saacadood kadib ay dul mareen xerada kadibna ay soo bad-baadiyeen askar badan.

Sarkaalkan waxaa uu xusay in askartii ugu horeysay ay ka soo saareen beer Mesego ka baxdo oo ay uga dhuumanayeen Al-Shabaab.

Weerarkii Ceel-Cadde oo dhacay 16-kii bishii January sanadkii 2016 waxaa uu ahaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ciidamada Kenya soo gaara tan iyo markii ay Soomaaliya gudaha u soo galeen.

Inkasta oo dawladda Kenya aysan wali soo bandhigin tirada rasmiga ah ee askarta looga dilay weerarkaas, hadana Al-Shabaab ayaa sheegtay inay boqolaal dileen, iyagoo soo bandhigay askar ay nolosha ku qabteen.

Warbaahinta Kenya waxay sheegtay in wali todoba (7) askari aan nolol iyo geeri toona lagu heyn, kuwaas oo la xaqiijiyey inay banaanka uga baxeen xerada iyaga oo la baxsanaya noloshooda.

Si kastaba, waxaa is-weydiin mudan, maadaama askarta ay ahaayeen boqolaal, ama inat is dishay ay yihiin tobaneeyo, maxaysan u dagaalamin inta ay ka dhimanayaan, sabatoo ah cidna kuma qasbeyn inay is-dhiibaan, haddii aysan ayaga dooneyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here