Axmed Madoobe oo ka fakaraya inuu labo daran mid doorto

Axmed Madoobe3

Xogaha isa soo taraya ee ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa tibaaxaya in Madaxweynaha lagu muransan yahay ee Jubbaland Axmed Madoobe uu hadda ka fekerayo oo uu ku jiro LABO DARAN MID DOORO, isagoo latashiyo la bilaabay xubnaha ugu dhow ee uu ku kalsoon yahay.

Tashiga iyo fekerka Axmed Madoobe ayaa daba socda kulan uu la yeeshay xubnihii beesha caalamka ka socday ee dhawaan tegay magaalada Kismaayo, kuwaas oo ku wargaliyey in aysan aqbali doonin doorashadii dhacday, iyagoo ka dalbaday inay ogolaadaan in la qabto doorasho kale.

Axmed wuxuu kala dooranayaa inuu Jubbaland oo uu u soo dagaalamay, rukumaddana uu u taagay uu badbaadiyo oo iyadoo isku midaysan uu wareejiyo si doorasho kale iyo dib u heshiisiin looga qabto ama arinta labaad oo ah inuu tixgeliyo feker ay dabada ka riixayaan Dawladda Kenya iyo xubno ay isku hayb yihiin oo Kenyaan ah, kuwaas oo ku cadaadinaya in aanu tanaasulin.

Lama oga go’aanka uu qaadan doono, inkastoo la sheegayo in aanu diyaar u ahayn inuu dib ugu laabto Jamhadnimo, iyo dagaal beeleed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here