Axmed Madoobe oo weji gabax iyo bahdilaad kala kulmay kulankii danjiraha Maraykanka (Cadeyn)

madoobe iyo yamamoto2

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, ayaa weji gabax kala kulmay Safiirka Maraykanka u fadhiya Somalia.

Danjire Donald Yamamoto ayaa magaalada Nairobi kulan kula yeeshay madax ka tirsan Maamul goboleedyada Somalia oo halkaas siyaabo kala duwan u gaaray.

War Saxaafadeed kasoo baxay Safaaradda Maraykanka ee Muqdisho oo lagu faahfaahinayey kulamadaas ayaan marna lagu xusin in Axmed Madoobe uu yahay Madaxwaynaha Jubbaland, waxaana taas badalkeed loogu yeerey ”Hoggaamiyaha Jubbaland.”

Qoraalka Safaaradda ayaa si ka duwan Axmed Madoobe waxay madaxda kale ee Maamullada ku tilmaantay ”Madaxwanayaal.” waxayna dad badan arrintan u fasireen in Maraykanku uusan Axmed Madoobe u aqoonsaneyn Madaxweynaha Jubbaland, kuna mowqif yahay dowlada Somalia oo iyadu kal hore deyrisay.

Axmed Madoobe oo sanadkii hore sheegtay inuu ku guulaystey doorasho ay Kismaayo ku qabteen taageerayaashiisa ayaan wax aqoonsi ah ka helin DF Somalia iyo Beesha Caalamka, marka laga reebo dalka Kenya.

Hoos ka akhriso qoraalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here