Ayax raxan raxan u socda oo ku fool leh Gobolka Shabeellada dhexe

ayax4

Wararka ka imanaya xadka ay wadaagaan gobolada Sh/dhexe iyo Hiiraan ayaa sheegaya in ayax raxan raxan u socda uu kuu soo jeedo gobolka Sh/dhexe kadib markii uu soo maray deegaano ka mid ah gobolka Hiiraan.

Ayaxan ayaa la sheegay inuu saaka soo gaaray deegaanka Shaw oo ku taal xadka ay wadaagaan labada gobol ee Sh/dhexe iyo Hiiraan.

Shacabka ku nool gobolka Hiiraan ayaa soo sheegaya in ayaxan uu baabi’iyay dhul beereed badan oo ay ku yaaleen dalagyo kala duwan.

Deegaanada uu haatan soo gaaray ayaxa oo ah dhul ay ka taliyaan ururka Al-shabaab ayaa loo adeegsaday rasaas sidii loogaga hortagi lahaa  ayaxa.

Ayaxan oo toddobaadkii hore soo gaaray deegaano ka mid ah gobolka Galgaduud ayaan jirin illaa iyo hadda talaabo muuqata oo ay dowlada federalka u qaaday sidii loogaga hortagi lahaa ayaxan waxyeelada ku ah shacabka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here