Banaanbax lagu taageerayey Dowladda oo Beled-Xaawo ka dhacay

beledxaawo

Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa Maanta waxaa ka dhacay banaanbax ay dhigeen Shacabka ku nool degmadaas, kaas oo lagu taageerayey Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya loogana soo horjeeday hadal kasoo yeeray Mareykanka.

Banaanbaxa ayaa waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gedo, waxaana looga soo horjeeday hadalkii dhawaan kasoo yeeray Isuduwaha siyaasadda ee Mareykanka u qaabilsan Golaha Ammaanka, Rodney Hunter, kaas oo uu ku sheegay inay qalad aheyd Ciidankii Dowladdu geysay Gobolka Gedo.

Dadka banaanbaxa dhgayay ayaa waxaa ay sheegeen in dadka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo madaxbannaan oo ismaamula, isla markaana hadalkii kasoo yeeray Rodney Hunter uu yahay mid waxba kama jiraan ah Ciidamada Dowladana ay tegi karaan meel kasto oo dalka ah.

Dhinaca kale banaanbaxayaasha iyo mas’uuliyiintii ka qeyb gashay ayaa waxaa ay dowladda Kenya ku eedeeyeen inay faragelin ku heyso dhulka Soomaaliyeed, iyaga oo digniin culus u direy.

Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji Macalimow ayaa banaanbaxa ka sheegay in Shacabka Beled-Xaawo ay u diyaar garoobaan difaaca xaduudka Soomaaliya, isla markaana cidna aysan gorgortan kala gelayn.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Dowladda ay geysay Gobolka Gedo ay Shacabka dalbadeen, isla markaana Ciidamadaas ay awood u leeyihiin inay Xaduudka xiraan halkii markii hore ay Ciidamada Kenya xiri jireen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here