Bankiga Adduunka oo Soomaaliya ka cafiyay dhamaan deynta uu ku lahaa

the world bank

Wasiirka Maaliyadda XFS Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Soomaaliya dhammaan Deyntii uu ku lahaa Bangiga Adduunka uu cafiyay kadib dadaal badan oo lagu bixiyay howshaan.

Wasiirka ayaa sheegay in wixii xiligan ka dambeeya ay soomaaliya heli doontaa mashaariicyada iyo deeqaha uu bixiyo bankiga aduunka.

Qoraalka Wasiirka ayaa waxaa sidan u qornaa.

Waa markale iyo farxad horleh, Bangiga Aduunka ayaa cafiyay dhamaan wixii deyn ah oo uu Soomaaliya kulahaa dadaal badan kadib.

Waa markii ugu horeysay mudo 30 Sano kadib si rasmi ah aan uga mid noqono dalalka Xubnaha ka ah World Bank oo aan helno deeqaha horumarinta bangigu uu siiyo dalalka Xubnaha ka ah.

Waxaan u mahadcelinayaa Madaxda Dowladda Soomaaliya, dhamaan Wasaaradihii nagala qeyb galay Barnaamijka Deyn-Cafinta, Saaxibadeena caalamka oo ay ugu horeyso Dowladda Norway iyo Bulshada Soomaaliyeed oo si geesinimo leh noo garab istaagay.

Isbadal qiimo leh ma aha wax si fudud lagu heli karo, sidaas darteed har iyo habeen kama seexan doono inaan ku dadaalno wax walba oo aan ku horumarin karno dalkeena.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here