Bankiga Horumarinta Afrika oo Soomaaliya ka cafiyay $122.55 Milyan oo dollar

Bankiga Horumarinta Afrika ayaa Soomaaliya ka cafiyay $122.55 Milyan oo dollar oo ka mid aheyd deyntii lagu lahaa Soomaaliya.

Kulan ay shalay oo Arbaco ah yeesheen Agaasimayaasha bankiga horumarinta Afrika iyo Sanduuqa Horumarinta Afrika ayaa lagu ansixiyey in Soomaaliya looga cafiyo deyntaas lacageed si ay hesho fursado maalgashi, isla markaana ay wadada ugu xaarto in Soomaaliya ay u gudubto waa cusub oo horumarineed.

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Soomaaliya Dr C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka jawaabaya Go’aanka uu Bankigu Horumarinta Afrika uga cafiyey Deynta ayuu sheegay Bangigu inuu Soomaaliya ka caawiyey isbadalo adag oo ay sameysay, taasoo Soomaaliya ka dhigi karta meel Soomaalida u wanaagsan.

Wasiir Beyle ayaa muujiyey, sida ay uga go’antahay isbadal dhaqaale oo uu xusay inay muuqato faa’iidooyonkii ay dowladdu ka heshay iyo awooda ay ku maamulan karto dhaqaalaheeda, isagoo xusay muhiimadda isla xisaabtanka hay’adaha dowliga ah ay u leeyihiin dadweynaha.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Bankiga Horumarinta Afrika Akinwumi Adesina ayaa ku tilmaamay maalin taariikhi ah oo si wada jir ah loogu faani karo, marka loo eego culeyskii ay arintaaas laheyd.

Akinwumi waxa intaa ku daray in bulshada caalamku aqoonsatay dadaalka ay madaxda dowlada Soomaalia ee waqtigii cuslaa iyo dib u habeynta balaarneyd ee ay sameeyeen.

Bankiga horumarinta Afrika ayaa qorsheynaya inuu sida ugu degdeg badan wada shaqeyn dhaw ula bilaabo dowladda federaalka ee Soomaliya, isagoo balan qaaday inuu ka caawin doona isbadalada iyo dib u habeynta kale ee lagama maarmaanka u ah, si Soomaaliya ay mar kale u gaarto hadafka ugu sareeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here