Boeing: Hay’adda duulista hawada ee Mareykanka oo qiratay khaladka shilalkii diyaaradeed

ethiopian airline

Maamulka duulista hawada ee dalka Mareykanka ayaa oggolaaday in shirkadda Boeing ay sii waddo duulinta diyaaradaha noocoodu yahay 737 Max, iyagoo ogaa inay jirtay khatar ku saabsan inay shilal kale dhici karaan.

Qiimeyn la sameeyay markii uu dhacay shilkii diyaaradeed ee ugu horreeyay, sanadkii lasoo dhaafay, ayaa la saadaaliyay inay dhici karaan ilaa 15 musiibo inta ay diyaaraddaas jirto, haddii aan isbaddal lagu sameynin qaabka ay u sameysan tahay.

Iyadoo la ogaa arrintan, haddana hay’adda duulista hawada ee federaalka Mareykanku ma aysan xayirin dhaqdhaqaaqyada diyaaraddan, ilaa inta uu shilkii labaad ka dhacay shan bilood ka dib.

Madaxa hay’addan magaceeda loo soo gaabiyo FAA, Steve Dickson, oo shaqada billaabay bishii August ayaa sheegay in arrintan ay ahayd khalad dhankooda ka yimid.

Sheekada ku saabsan qiimeynta khatarta ee ay sameysay hay’adda FAA ayaa shaaca looga qaaday kiis uu Arbacadii dhageystay aqalka wakiillada ee Mareykanka.

Xildhibaannada aqalkan ayaa baaritaan ku wada shirkadda Boeing, kaasoo billowday markii ay labo jeer burburtay diyaaradda 737 Max, khasaare dhimasho oo badanna uu ka dhashay.

Mid ka mid ah diyaaradaha rakaabka waday ayaa Indonesia ku dhacday bishii October ee sanadkii 2018-kii, halka bishii March ee sanadkan ay Ethiopia ku burburtay diyaarad kale oo noocaas ah.

.
Diyaaradda uu nooceedu yahay 737 Max 8 ayaa labo jeer ku dhacday lix bilood gudahood

Mas’uuliyiinta badbaadada hawada ee baaritaanka ku waday burburkii diyaaradaha ayaa ogaaday in qalabka hagista diyaaradda 737 Max 8, ee loo yaqaanno MCAS, uu sabab u ahaa shilalka labada jeer dhacay.

Boeing ayaa horay u sheegtay in qalabkaas ay cillad ku timid ka dibna uu duuliyaha waxba ka qaban waayay diyaaradda oo hoos u hoobaneysay.

Khubarada ka socotay hay’adda FAA ee baaritaanka ku sameysay shilkii October ka dhacay Indonesia ayaa ka dalbaday shirkadda Boeing inay dib u naqshadeyso diyaaraddaas, iyagoo sidoo kalena ka digay in ilaa 45 shil oo kale ay ku dhici karaan diyaaradaha 737 Max, oo markaas tiradooda howlgaleysay lagu qiyaasay ilaa 4,800(afarkun iyo siddeed boqol) oo diyaaradood.

Waxay sidoo kale baareyaashu soo saareen digniin culus, laakiin hay’addu wax tallaabo ah uma aysan qaadin in gabi ahaanba la hakiyo duulista diyaaraddaas.

Waxaa mar qura indhaha la kala qaaday markii ay 10-kii bishii March burburtay diyaaradda Ethiopian Airlines, markaasoo ahayd dhowr maalmood ka dib xilligii ay dalalka qaarkood qaadeen tallaabo ay waddamadooda uga mamnuucayeen diyaaradda 737 MAX 8.

.
Dalal badan ayaa diyaaradda 737 MAX iska mamnuucay markii ay shilalka dhaceen

“Ma jiray khalad la sameeyay?”, ayuu weydiiyay Henry Johnson oo ka tirsan xildhibaannada Aqalka Wakiillada.

“Dabcan natiijadii soo baxday ma ahayn mid lagu qanci karo”, ayuu yiri Mr Dickson.

Hase yeeshee isagoo ka jawaabayay su’aalihii dambe ayuu qirtay in hay’addu ay khalad sameysay markii ay howshaas socotay.

‘Walaac weyn’

Boeing ayaa dib u habeyn ku sameyneysa hannaanka uu ku shaqeeyo qalabka diyaaradda haga ee MCAS, laakiin xildhibaannadu waxay sheegeen in ay baaritaankooda ku ogaadeen inay shirkadda diyaaradaha sameysay ka warqabtay cilladda jirtay.

Shaqaalaha Boeing ayaa sidoo kale soo gudbiyay walaac weyn oo ay ka qabeen in shirkaddu diiradda saareysay xawaaraha dheer, iyadoo aan mudnaan siineynin nabadgalyada, markii la warshadeynayay diyaaradda uu nooceedu yahay Max 737.

Ed Pierson, oo ah sarkaal hore oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta sar sare ee shirkadda Boeing ayaa marar badan madaxda ka sarreysay u gudbiyay digniin ku saabsan khatarta amni ee jirtay.

Wuxuu sidoo kale sheegay in xitaa markii ay shilalku dhaceen ay maamulka duulista hawada ee Mareykanku iska dhaga tireen walaaciisa.

“Wali walaaceygu sidii ayuu u taagan yahay… howlaha duulista hawada ee dadweynaha waxay ku sii jiri doonaan khatar haddii ay hay’adda duulista baaritaan ku sameyn weyso aadna ugu kuurgali weyso shaqada soo saarista diyaaradaha”, ayuu yiri mar uu isku diyaarinayay inuu markhaati furo.

Mr Dickson wuxuu sheegay in hay’adda FAA ay baareyso warshadeynta balse isagu uu doonayo in tallaabooyin kale oo dheeraad ah laga qaado shirkadda Boeing.

Bayaan ay soo saartay Boeing ayey ku sheegtay in Mr Pierson ciwaankiisa uu muujinayo in shirkaddu ay si dhab ah u qaadatay walaaciisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here