Burundi oo xaqiijisay in 12 askari looga dilay weerarkii duleedka Balcad

ciidamada amisom burundi

Dowladda Burundi ayaa war ka soo saartay weerar in ka badan 10 askari looga dilay oo malin ka hor ka dhacay gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sarkaal sare oo ka tiran ciidamada dalkaasi oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi oo jidgal ah looga dilay illaa 12 askari oo ka mid ahaa ciidamadooda ka howlgala gudaha Soomaaliya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM.

Sidoo kale sarkaalkan ayaa shaaciyey in weerarkaasi looga dhaawacay 6 askari, isagoo sheegay in xilliga uu dhacayey ay ciidamadu wadeen howlgal amni xaqiijin ah.

Sabtidii la soo dhaafay ayey aheyd markii agagaarka deegaanka Gololoey dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ay ku weerareen kolonyo ka tirsan ciidamada dowladda Burundi ee ka howlgalka qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Al-Shabaab ayaa sheegatay in weerarkaasi ay ku dishay, illaa 14 askari, kuna dhaawacday tiro intaasi ka badan, sida ay hadalka u dhigtay.

Inta badan ciidamada AMISOM ayaa weeraro dhabo gal ah kala kulma Al-Shabaab, xilliyada ay isaga kala gooshayaan Muqdisho iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here