Buug Faransiiska ku faafay oo lagu sheegay in CIA-da ay ka dambeysay qaraxyadii 9/11

911

Madbacad ku taalla waddanka Faransiiska ayaa raalligalin bixisay ka dib markii buug maaddada taariikhda lagu baro ardayda Iskuullada dalkaas lagu arkay jumlad lagu sheegayo in weerarkii daaraha mtaanaha ee Mareykanka lagu qaaday 11-kii bishii September, 2001-dii “ay abaabushay hay’adda sirdoonka ee CIA-da”.

Buuggan ayaa isbuucyadii lasoo dhaafay si weyn ugu faafay Faransiiska.

Sheekada ku saabsan weerarkii 9/11 ee lagu arkay buuggan ayaa markii hore lagu shaaciyay baraha xiriirka bulshada, waxaana dibadda usoo saaray koox macallimiin ah.

Buuggan oo lagu koobay taariikhda qarnigii 20-aad ayaa loogu talagalay ardayda ku jirta waxbarashada hoose ee iskuullada.

Madbacadda ayaa boggeeda internet-ka ku sheegtay inay khalad tahay jumladdaas ay kasoo muuqato buugga.

“Jumladdan waxay qeexeysaa sheekooyin qarsoodi ah oo aan xaqiiqda ku saleysneyn, loomana baahneyn inay soo muuqato. Ma aha qoraal ka turjumaya waxa ay tifaftireyaasha madbacadda iyo qorayaasheeda aaminsan yihiin”, ayaa lagu yiri bayaan ku qornaa luuqadda Faransiiska.

Buuggan loo soo saaray ardayda Iskuullada ayaa markii hore lagu qeexay inuu yahay mid si dhammeystiran uga sheekeynaya taariikhdii lasoo maray qarnigii tagay, iyadoo lagu wada xusay taariikhdii Faransiiska, Yurub, iyo guud ahaan dunida inteeda kale.

Waxaa qoray Jean-Pierre Rocher, oo ah macallin wax ka dhiga maaddooyinka taariikhda iyo juqraafiga, horayna cilmiga seyniska uga qalin jabiyay jaamacadda Po ee magaalada Paris.

Inkastoo buuggan uu soo baxay bishii November ee sanadkii lasoo dhaafay, waxaa sheekadan la ogaaday markii gabar uu macallin dhalay ay soo iibsatay, kadibna uu labadooda midkood arkay jumladda ku saabsan arrinta CIA-da.

Bogga 204-aad ee buugga ayuu qoraagu ku sharraxay mowduuca ku saabsan sida loo abuuray ururka jihaad doonka ah ee la magac baxay al-Qaacida iyo “habkii uu u dhacay weerarkii 11/9 2001 lagu qaaday daaraha New York iyo Washington”.

Kadibna wuxuu qoray jumladda soo socota;

“Dhacdadan caalamka oo dhan laga arkayay – wuxuusan shaki ku jirin inay qorsheeyeen (laamaha sidoonka) ee hay’adda CIA-da, ujeeddadooduna ma waxay ahayd inay saameynta Mareykanka ku fidiyaan gobolka Bariga dhexe? – Waxaa Mareykanka laftiisa lagu waxyeelleeyay caalamaddii uu isaga sameystay”.

Macallinkii jumladdan helay ayaa si deg deg ah ugu faafiyay bogga ay Facebook-ga ku leeyihiin macallimiinta.

Afhayeenka boggaas ayaa wargeyska Le Monde u sheegay in “islamarkiiba ay arrintu cirka isku shareertay”.

Madbacadda ayaa sheegtay in dib loo sixi doono buuggaas, mar kalena lagu shaacin doono waddanka Faransiiska.

Sheekadan waxaa durbadiiba soo qaatay wargeys ka faallooda arrimaha sirdoonka, kaasoo ka cawday in jumladdaas lagu xusay macluumaad been abuur ah oo sheegaya in arrimo sir ah ay ku lifaaqan yihiin weerarkii 11-kii September.

Wuxuu wargeyskan sheegay in daraasad la sameeyay bishii December ee sanadkii 2018-kii ay muujisay in 21% ka mid ah dadka ay da’doodu ka hooseyso 35 sano ay aaminsan yihiin in Mareykanku uu si uun ugu lug lahaa fulinta weerarkaas, buugganina hadda dadka loogu talagalay ay yihiin kuwa da’daas ah.

In ka badan 19 sano ka dib markii ay 19 qof oo ka tirsan al-Qaacidda ay diyaarado lasoo afduubay ku qarxiyeen daartii ganacsiga adduunka, daartii gaashaandhigga Mareykanka iyo barxad ku taalla gobolka Pennsylvania, waxaa isbuucan la filayaa inuu maxkamad milatari oo Mareykan ah kasoo muuqdo nin loo heysto mas’uuliyadda qaraxyadaas.

Khaalid Sheekh Maxamed ayaa lagu hayaa xabsiga Guantanamo Bay, wuxuuna ahaa nin aad ugu dhawaa hoggaamiyihii hore ee al-Qaacida Usaama Bin Laadin.

2,997 ruux ayaa naftooda ku weysay weerarkii lagu burburiyay daaraha mataanaha ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here