Ciidamada Danab oo qabtay Ibraahim Maxamed Rooble oo Madaxda shabaab ka mida

danab kumandoos

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa lagu xaqiijiyay in 23-kii Maarso 2020 ay ciidamada DANAB gacanta ku dhigeen sarkaal sare oo ka tirsan xarakada Al-Shabaab kadib hawlgalo laga sameeyay Gobolka Shabeelada Hoose.

Hawlgalkaan ay qaadeen ciidamada ammaanka Soomaaliya xilli habeenimo ah ayey kusoo qabteen Ibrahim Mohamed Roble oo Al-Shabaab u qaabilsanaa canshuuraha, sidoo kalana ka mid ahaa xoogagga amniyaadka ee ka hawlgala gobolka Shabeelada Hoose.

Qabashada masuulkaan sare ee ka tirsan Al-Shabaab ayaa kusoo aadeysa xilli dhawaan ay ciidamadda amaanka fuliyeen hawlgalo ay ku qabteen madaxii sirdoonka Al-Shabaab (Hassan Suley) kaas oo gacanta lagu dhigay isagoo ku sugan magaalada Janaale.

Soo qabashada masuuliyiintaan sar-sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa kusoo aadeysa xilli Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay Al-Shabaab kala wareegeen gacan ku heynta magaalada Janaale oo muhiim u ah isku socodka qeybaha kala duwan ee gobolka Shabeelada Hoose.

Xarakada Al-Shabaab ayaan wali ka hadlin warka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ee lagu sheegay in gacanta lagu soo dhigay u qabilsanahii canshuuraha gobolka Shabeelaha Hoose (Ibraahim Mohamed Rooble).

Hoos ka arag warqadda kasoo baxday wasaaradda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here