Ciidamada DF oo sheegay inay galayaan Kenya kadib markii ay kusoo biirtay dagaalka Beled-Xaawo

sagootin ciidan4

Waxaa qaboobay dagaalka maanta ka qarxay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo,ee dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubalanad ee ka amar qaadanaya wasiir amniga Cabdirashiid Janan, inkasta oo weli la maqlayo rasaas goos goos ah. .

Ku-simaha guddoomiyaha gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimow, oo la hadlay idaacadda BBC Soomaali, ayaa sheegay inuu dagaalka ka dhacay xuduuda dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Guddoomiyaha ayaa xusay inay ciidamada dowladda Soomaaliya hadda joogaan xuduudda labada dal, ayna iska difaacayaan weerar uga imanaya dhanka Kenya, sida uu hadalka u dhigay.

Cismaan ayaa ciidamad Kenya ku eedeeyey inay dagaalka kusoo biireen, oo ay madaafiic ku garaacayaan gudaha magaalada Beled-Xaawo, taasoo dhibaato naf iyo maal leh ay kasoo gaartay shacabka ku nool magaalada.

Guddoomiyaha ayaa intaas ku daray in Kenya ay dagaalka kusoo qaaday Soomaaliya ayada oo garab siineysa ciidamada uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan.

“Ciidankan waxay difaacayaan xuduudda, weli toos uma gelin gudaha Kenya, balse halkaas ayaan ugu tageynaa oo ugu galeynaa, intii shacabka madaafiic lagu garaaci lahaa,” ayuu yiri Cusmaan Nuur Xaaji.

“Waan ka xunahay in Kenya ay soo weerarto shacabkeena oo madaafiic ku garaacdo shacabkeena. Inta ka badan indhaha kama xiran karno Kenya, gudaha ayaan ugu galeynaa,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in Cabdirashiid Janan uu maanta hoobiyo iyo madaafiic ku garaaco magaaladii uu muddo 8 sano ah ka talinayey, isagoo ku sifeeyey inuu ka naxariis daran yahay kooxda Al-Shabaab.

“Kenya iyo nimanka oo is garabsanaya ayaa xabad nagu soo wada iyo hoobiyeyaal,” ayuu yiri.

Weli ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta warka guddoomiyaha ee ah in ciidamada Kenya ay qeyb ka yihiin dagaalka. Maamulka Jubaland weli kama hadli dagaalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here