Ciidamada DF oo toogtay nin qarax aasayey

shabaab sarkaal

Ciidamada dowladda milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay ay toogasho ku dileen xubin ka tirsan Al-Shabaab, kadib howlgal qorsheysan ay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee hoggaamineysay howlgalkaasi ayaa sheegay in ninka la toogtay uu miino ku aasayey waddada isku xirta Balcad iyo Jowhar, gaar ahaan deegaanka Gololey ee gobolkaasi.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in ninka la toogtay uu watay bistoolad uu doonayey inuu isku difaaco, haddii la soo weeraro.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan toogashada ninkaasi.

Inta badan dagaalyahannada Al-Shabaab ayaa weeraro u badan qaraxyo miino ka fuliya waddadaasi, iyadoo dhowaan lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsanaa maamulka HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here