Ciidamada DF Somalia oo maanta la wareegay Janaale

ciidamada danab2

Magaalada Janaale oo muddo badan ay ka talinayeen kooxda Al-Shabaab ayaa ugu dambeyn Maanta lagala wareegay markii ay dagaal ku qaadeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Taliyaha ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeyo Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada xoogga dalka ay si rasmi ah ula wareegeen magaalada Janaale ee gobolka Shabeelaha Hoose, isagoo intaa ku daray in ciidamada ammaanka ay wadaan baaritaano dheeraad ah.

Taliyaha ayaa Shacabka ku nool Magaalada Janaale ugu baaqay inay isdajiyaan isla markaasna ay si wanaagsan ula shaqeeyaan Ciidamada Amniga.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Al-Shabaab ay markii hore isaga baxeen deegaanka markii Ciidamada ku soo dhowaadeen, hase ahaatee weeraro isugu jira qaraxyo iyo kuwo toos ah ayey ku soo qaadeen intii Ciidamada soo galayeen deegaanka.

Deegaanka Janaale ayaa afartii sano u dambeysay ay ka talinayeen Al-Shabaab, 1-dii bishii September ee sanadkii 2015 ayay aheyd markii Al-Shabaab weerar ku bilowday qarax weyn ay ku qaadeen saldhigga Ciidanka AMISOM, waxaana weerarkaas lagu dilay askar ka tirsan Ciidanka Uganda, weerarkaas wixii ka dambeeya oo khasaare xoog leh lagu gaarsiiyay Ciidanka AMISOM ayay bilaabeen inay isaga baxaan.

Al-Shabaab weli ma aysan ka hadlin qabshada Ciidamada Dowladda ee Magaalada Janaale, waxaana laga cabsi qabaa inay qorsheenayaan weeraro ku dhufo oo dhaqaaq ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here