Ciidamada Dowladda oo hakiyey isku socodka Magaalada Dhuusamareeb

Dhuusamareeb2

Wararka laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasmadda Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay Ciidamo farabadan dhigtay wadooyinka Magaaladaas, isla markaana ay hakiyeen dhaq dhaqaaqa dadweynaha.

Ciidamadaan oo isugu jira Boolis iyo Nabadusugida ayaa waxaa la dhigay wadooyinka ugu muhiimsan, iyaga oo dadka ku amraya inay dib guryahooda ugu laabtaan.

Qof kamid ah dadka ku nool Dhuusamareeb ayaa sheegay in arrintaan ay ka dambeysay, kadib markii ay soo baxeen Warar sheegaya in taageerayaasha Ururka Ahlusunna inay doonayaa inay banaanbax ka dhigaan Magaalada Dhuusamareeb.

Waxa uu sidoo kale sheegay in hakinta dhaq dhaqaaqa dadweynaha ee Ciidamada ay saameyn weyn ku yeelatay isku socodka Ganacsiga ee Magaalada Dhuusamareeb.

Ciidamadaan farabadan oo Maanta ay dowladda Soomaaliya dhoobtey wadooyinka waaweyn ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay kusoo aadeysaa xilli xalay hoggaamiyaha Ahlusunna Macalin Maxamuud uu sheegay in xilligaan wixii ka dambeeya ay hubkooda la soo baxayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here