Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya oo nolosha ku soo qabtay xubno Al-Shabaab ka tirsan

ciidamada danab2

Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose ayaa faah faahin ka bixiyey howlgallo ballaaran oo laga sameeyey gobolkaasi.

Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo la hadlayey warbaahinta ayaa sheegay in howlgalladaasi oo ay fuliyeen ciidamada Kumaandooska Soomaaliya laga sameeyey deegaanada Baladul amiin, Tooratoorow, Macalinka, Buulo Bashiir iyo degaano kale oo hoos yimaado degmada Awdheegle oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in nolosha lagu soo qabtay illaa lix xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab iyo hubkooda, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale intaasi ku daray in ciidamadu ay cagta mariyeen dhowr xarumood oo ay lahaayeen dagaalyahannada Xarakada Al-Shabaab.

“Howlgalkaani ujeedkiisu yahay burburinta meelaha ay ku dhuumaaleeysanayaan Al-Shabaab ayaa waxaa sameeynaya ciidamadda Kumaandooska xoogga dalka Danab, waxaana lagu burburiyey dhowr xarumaad, sidoo kalena lagu qabtey lix xbnood kuwo kalena ay ku raad joogaan ayuu yiri”. guddoomiyuhu.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalladaasi.

Si kastaba ha’ahaatee dhowaan ayey aheyd markii weeraro khasaaro geystay ay  Al-Shabaab ka fulisay degmada Qoyooley iyo deegaanka Ceel-Saliini ee gobolka Sh/Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here