Ciidamada Somalia weerar culus ku qaaday deegaanka Biitaale ee duleedka Beledweyne

ciidamada somalia

Dagaal u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AL-Shabaab ayaa ka qarxay duleedka Magaalada Beledweyne sida ay dadka deegaanku xaqiijiyeen.

Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa weerar culus ku qaaday deegaanka Biitaale oo dhaca Galbeed Magaalada Beledweyne ee Caasimadda Gobolka Hiiraan halkaas oo ay gacanta ku heyso Kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanto gudaha Soomaaliya.

Sida dadka deegaanku sheegayaan waxaa la maqlayaa dhawaqa rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro soo kala gaaray dhinacyada dagaalamayo inkastoo aan weli si rasmi ah loo helin inta uu la eg yahay khasaaraha.

Ciidamo gurmad u ah kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa goordhow ka baxay Magaalada Beledweyne, waxaana la filayaa inay ku biiraan dagaalka xooggan u dhaxeeyo Ciidamada Dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here