Ciidamada Soomaaliya oo ku sii siqaya degmooyinka Kuntuwaareey iyo Sablaale

taliyaha lugta

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa ku dhowaanaya laba degmo oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose, maalmo kadib markii ay qabsadeen magaalada Janaale.

War kasoo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in dagaal-yahanada Al-Shabaab ay billaabeen inay ka baxaan degmooyinka Kuntuwaareey iyo Sablaale, kadib markii ciidanka xoogga dalka ay agagaarkooda ka bilaabeen dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Qorshaha ciidanka ayaa ah inay gacanta ku dhigaan labadaas degmo.

Ciidanka xoogga dalka ayaa nawaaxiga degmooyinka Kuntuwaareey iyo Sablaale ka billaabay howlgalo lagu baacsanayo dagaal-yahanada Al-Shabaab, kuwaasi oo inta badan haatan faarujiyay degmoyinkaasi, sida uu sheegay S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir oo ah Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ku sugan deegaanka Janaale.

Taliyaha ayaa sheegay in maleeshiyaadkii ka cararay Kuntuwaareey iyo Sablaale ay gaareen gobolka Jubbada Dhexe.

Dhinaca kale, ciidaamada Xoogga dalka ayaa sheegay in howlgal qorsheeysan oo shalay gelinkii dambe ay ka sameeyeen tuulooyinka Buulo Urunji, Malable iyo Tawakal, oo hoostaga degaanka Janaale ay kudileen 18 Shabaab ah.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka S/guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir ayaa sheegay howlgalka inuu yimid kadib markii dadka degaanka ay kusoo wargaliyeen maleeshiyaadka dhuumaaleeysanayay islamarkaasna ay qaadeen howlgal qorsheeysan oo ay fuliyeen kumaandooska xoogga dalka ee gor-gor iyo danab.

Jeneraal Cabdixamiid ayaa tilmaamay horjoogayaasha la dilay oo gaaraya sadax in magacyadooda dib ay kasoo sheegi doonaan balse mid kamida lagu magacaabo Muxudiin Shiikh Cabdi (Al-anzaari) kaasi oo qaabilsanaa Janaale ilaa Awdheegle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here